Wafdi heer caalami ah oo hogaaminayo wasiirka arimaha dibadda ahna Ra’isal wasaare K/Xigeenka Dalka Qadar ayaa waxey soo gaareen magaalada Muqdisho

22 Aug

Wafdi heer caalami ah oo hogaaminayo wasiirka arimaha dibadda ahna Ra’isal wasaare K/Xigeenka Dalka Qadar ayaa waxey soo gaareen magaalada Muqdisho

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda ahna Ra’isul wasaare K/Xigeenka dalka Qadar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani,

Ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Adan Adde ku soo dhaweyay Ra’iisul wasare K/Xigeenka dalka iyo Wasiirka Wasaradda Dekadaha & Gaadidka Badda Maryan Aweys Jaamac iyo Wasiir K/Xigeenka wasaaradda Md. Daalla, Waxaana loo galbiyay xarunta madaxtoyada gaar ahaan xafiiska Ra’isul wasaaraha ayadoo  Ra’isul wasare Xasan Cali Kheyre uu xafiiskisa ku soo dhaweyay,

Safarka wafdigaasi ayaa wuxuu ku saabsanaa xoojinta xeriirka labada dal, iyo sidii loo dardar gelin lahaa heshiiskii Mashaariicda dhisidda Kaaba yaasha dhaqaalle ee dalka sida,  Dekaddaha iyo Jidadka isku xera caasimadda iyo gobolada dalka, ayadoo qeybo kamid ah mashaaricdasi ay bilowden sida wada isku xerta muqdisho iyo Gobolka Sh/hoose, Dhowan la bilaawi doono dhisidda dekadda Hobyo, Oo runti Qorsheheda dhisidda meel fiican  mareyo, Loona dhisi doono qaab casri ah.

 Iyadoo ay ka faa’ideysan doonan malaayiin ka mid ah shacabka soomaaliyed, Waana guul usoo hoyatay Doowladda Federalka ee soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Dekadaha & Gaadidka Badda, Taasi oo muujineysa in Wasiirka iyo Wasiir K/ Xigenka wasaaradda ay dadaal weyn ugu jiraan sidii ay uhor marin lahaayeen dekadaha dalka ee loo idmaday.

 By. Head of Communication of the Ministry mmirwack. Thank you