Xafladda daahfurka xarunta badbaadada & samata-bixinta dhibaatooyinka ka dhaca badaha soomaaliya.

Muqdisho, 5-DEC- 2024, Wasiirka Waraasaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda ee JFS, mudane, xildhibaan, Mohamoud Adan Geesood ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Badbaadada iyo Samata-bixinta Dhibaatooyinka Ka Dhaca Badda Soomaaliyeed—xaruntan ayaa qayb libaax ka qaadan doonta yaraynta dhibaatooyinka ka dhaca badda IWM.

Madashan taariikhiga ah ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Amniga Gudaha ee JFS muddane, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Wasiiru-dowlaha Xafiiska Raysal Wasaaraha, muddane, Xirsi Jaamac Gaanni, Taliye-ku-xigeenka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdalla Cabdalla Maxamed, Madaxa Hay’adda EUCAP-Somali, Mr. Kęstutis Lančinskas iyo madax kale oo ka socotey safaaradaha Turkey iyo Italy, Wakiillada EU-Del, EUCAP- Somalia, UNSOM, FAO.

Wasiirka Waraasaradda Gaadiidka & Dekadaha mudane Maxamuud Aadan Maxamuud ayaa uga mahadceliyay marti-sharaftii ka soo qayb gashay intii munaasabaddu socotey iyo saxiibbada kala duwan ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu maamuusid iyo milgayn gaar ah u soo jeediyey dhammaan shaqaalaha Wasaaradda ka howlgala, weliba isago oo ku dhiirrigeliey shaqada ay u hayaan qarankooda Soomaaliyeed iyo gudashadooda muuqata.

≈ DHAMMAAD

Share

Scroll to Top